waa booga magacyada ilahay(cwj)This is a featured page


Su'aal
  1. waa  booga  magacyada ilahay(cwj) - xasan cali xasan Gaalada Assalaamu Alaikum mala oran karaa?


  2. waa  booga  magacyada ilahay(cwj) - xasan cali xasan Xajaaj Bin Yuusuf malla oran karaa wuxuu ahaa Gaal, maadaama uu laayey Saxaabadi Nabiga qaarkood ?


  3. waa  booga  magacyada ilahay(cwj) - xasan cali xasan Asslaamu Calaykum. Sheekh waxaan ku waydiiyay Firqada Shiicada ma la dhihi karaa waa GAALO haddii ay jawaabtu tahay haa ,maxaa u daliil ah?


  4. waa  booga  magacyada ilahay(cwj) - xasan cali xasan Waxaan jeclaan lahaa inaad iga shaafidaan iina sharaxdaan bal waxay yihiin qolada la magac baxdey Axmadiyada. Fadlan


  5. waa  booga  magacyada ilahay(cwj) - xasan cali xasan Assalaamu Caleykum. 1- Waa maxay farqiga u dhexeeya "tawakul" iyo "tawakal"? 2- Xaggee ALLAAH subxaanahu watacaalaa ku sugan yahay? meel ma lagu tilmaami karaa? 3- Haddii aan ficil xun sameeyo ma oran karaa ALLE ayaa qadaray ama haddii aan ku hadlo gef ma oran karaa Allaa qadaray inaan sidaas ku hadlo?


  6. waa  booga  magacyada ilahay(cwj) - xasan cali xasan Assaalamu Caleykum salaan ka dib waxaan rabaa inaan idin su'aalo, su'aal ku saabsan caruurta ku dhimata Saqiirnimo xukunkiisa waa maxay? mala xisaabinayaa maalinta Qiyaamaha? jazaakalaah.




Jawaab
waa  booga  magacyada ilahay(cwj) - xasan cali xasan Gaalada Assalaamu Alaikum mala oran karaa?
Salaantu waa magac ka mid ah magacyada Ilaahay uu noo soo dejiyey ayna tahay inaan isku salaano sida uu Nabigu xadiith saxiix ah ku sheegay, qofka kugu salaama salaanta Islaamka waa qof ku leh nabadgelyo, naxariis iyo barakadii Alle korkaaga ha ahaato oo sidaa kuugu duceeyey, sidaa darteed mar hadday tahay magac Ilaahay uu Alle u soo dejiyey ummaddan, ay tahay duco lama oran karo gaalka Assalaamu Calaykum, sababtoo ah xaggee naxariis iyo nabadgelyo Ilaahay uu ka helayaa iyadoo uu yahay gaal Ilaahay la dagaalamaya oo u ban baxay carada Ilaahay, sidaa darteed ma banaana in salaanta lagu bilaabo siduu Nabigu inagu faray xadiith kale oo saxiix ah, mana banaana in lagu salaamo salaanta Islaamka. Allaah ayaa xaqiiqada ogsoon
<!-- -->
Back to top


waa  booga  magacyada ilahay(cwj) - xasan cali xasan Xajaaj Bin Yuusuf malla oran karaa wuxuu ahaa Gaal, maadaama uu laayey Saxaabadi Nabiga qaarkood ?
Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxammed, intaa ka dib. Xajaaj Bin Yusuf wuxuu ka mid ahaa madaxdii soo martay caalamka Islaamka, wuxuuna ahaa dhiigyo cab dad badan oo isugu jira Saxaabo iyo Taabiciyiinba laayey, waxaa lagu qadaraa inuu dilay dad gaaraya (124,000). Lama hayo Culumada Islaamka qof yiri waa gaal, waxaa ka hadlay Imaam Dahabi kitaabkiisa Siyar Aclaam Al-Nubalaa wuxuu ku sheegay wuxuu ahaa oo idil. Sidoo kale waxaa ka hadlay Imaam Ibn Kathiir kitaabkiisa taariikhda ah ee la yiraahdo Al-Bidaaya Wa Nihaaya, jawaabta oo kooban lama oran karo waa gaal, waxaan shaki lahayn inuu sameeyey dambi wayn oo dambiyada waaweyn ka mid ah, Ilaah waxaan ka baryeynaa inuu naga dhowro dadka Muslimiiinta dhiigooda. <!-- -->Back to top


waa  booga  magacyada ilahay(cwj) - xasan cali xasan Asslaamu Calaykum. Sheekh waxaan ku waydiiyay Firqada Shiicada ma la dhihi karaa waa GAALO haddii ay jawaabtu tahay haa ,maxaa u daliil ah?
Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxammed, intaa ka dib.
Guud ahaan in la yiraahdo Shiicadu waa gaalo waa khalad, sida Culumada Ahlu-Sunna Wa Al Jamaaca sheegeen, waxaase la oran karaa waa in Culumada Shiicadu yihiin Gaalo, waxa caddeynaya waa tiro badan yahay laakiin markaan soo gaabino waxaa ka mid ah, waxay oranayaan oo aaminsan yihiin in Quraanka uu bedelan yahay, in wax laga gooyey, inuu jiro Quraan kale oo Nabigu uga tagay Faadumo kaas oo ay ku sheegaan in la yiraahdo Musxaf Faadumo, waxay lacnadaan Saxaabada Nabiga oo idil in yar oo toban qof gaaraya mooyaane, waxay si gaar ah u lacnadaan Abuu-Bakar, Cumar, iyo labadooda gabdhood oo ahaa xaasaskii Nabiga nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, intaa kaliya ma aha aad bay u tiro badan yihiin Culumada Islaamku kutub ayey ka qoreen, waxaa u baahan in la xuso caqiidada Shiicada waxa ugu horeeya wax loo yaqaano Tuqyo oo macnaheedu yahay intaad la joogtid Sunniga qofka ah waxaad ku tiraahdaa waxba nooma dhexeeyo, marka aad ka itaal roonaatidna gowrac, aaway Sunniyiintii ku noolayd Iran, waxaa laga dhigay wax la dilay, qaar cararay iyo in ku jirta xabsi, meesha cid walba oo wadanka Iran ku noolayd loo ogolaaday xoriyad, aad bay u tiro badan tahay intaasi waa kugu filan yihiin Ilaah xaqqa hana waafajiyo.
Back to top


waa  booga  magacyada ilahay(cwj) - xasan cali xasan Waxaan jeclaan lahaa inaad iga shaafidaan iina sharaxdaan bal waxay yihiin qolada la magac baxdey Axmadiyada. Fadlan
Allaah ayaa mahad leh, nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxammed, intaa ka dib.
Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxamed, intaa ka dib.
Wuxuu Nabiga inoo sheegay inay Yahuudu u qaybsantay toddobaatan iyo kow qaybood, Masiixiyaduna u qaybsantay laba iyo toddobaatan qaybood, ummaddana ay u qaybsami doonto seddex iyo toddobaatan qaybood dhamaantoodana waxay galayaan naarta mid mooyaane, markii la waydiiyeyna wuxuu yiri "Waa tan ku sugnaadoonta waxaan aniga iyo saxaabadayda ku suganahay" waxaa halkaasi ka cad in cid walba oo ka leexata dariiqa Nabiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee ay galayso naarta.
Haddaba waxaa ka mid ah qaybahaas iyagu ka leexday dariiqii Nabiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee qolodan aad lagu magacaabo qadyaaniyiinta ama iyagu jecel in lagu magacaabo axmadiyada waxay rumaysan yihiin waxaa ka mid ah in ninka la yiraahdo gulaam axmed al-qadyaani uu yahay nabi, qofka taas rumaysana waxay ugu filan tahay gaalnimo, wuxuu ahaa ninkan hindi waxaa soo saaray oo magaca u yeelayna waa dowlada Ingiriiska oo iyadu markaasi gumaysi la doonaysay inuu kala jabiyo xoogga Muslimiinta ku nool Hindiya oo iyagu markaasi lahaa boqortooyo aad u xoog badan, dadkii ku caawiyey arrinitaasina waxaa ka mid ahaa ninkan isagu sheegtay inuu yahay Mahdiga, sheegtayna markii dambe inuu yahay nabi loo waxyoodo dowladda ingiriiskuna way la sii qaaday, waxayna u noqotay hoy laga fidiyo diintaas cusub ee iyadu ku abtirsanaysa Islaamka sida ay sheeganayso, Ilaah waxaan ka baryeynaa inuu na waafajiyo xaqqa, Aamiin.

Ilaah hana haleeshiiyo xaqa dhamaanteen
Back to top


waa  booga  magacyada ilahay(cwj) - xasan cali xasan Assalaamu Caleykum. 1- Waa maxay farqiga u dhexeeya "tawakul" iyo "tawakal"? 2- Xaggee ALLAAH subxaanahu watacaalaa ku sugan yahay? meel ma lagu tilmaami karaa? 3- Haddii aan ficil xun sameeyo ma oran karaa ALLE ayaa qadaray ama haddii aan ku hadlo gef ma oran karaa Allaa qadaray inaan sidaas ku hadlo?
Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxammed, intaa ka dib.
1.Sida aad tilmaantay wax farqi ah uma dhexeeyo Tawakal iyo Tawakul, oo macnihiisu yahay talo saarasho Ilaahay iyadoo lala imanayo asbaabtii, waxaase laga yaabaa inaad ula jeedo Tawaakul oo macnihiisu yahay talo saarasho Ilaahay iyadoo laga tagayo sababtii, si ay u sii caddaato aan tilmaano, qofka yiraahda waxaan rabaa inaan ilmo dhalo ee xaas yeesha ka dibna Ilaah tala saarta wuxuu la yimid Tawakulkii sharciga ahaa, kaas oo ah inaad la timaado wixii aad rabtay isla markaasina aad Ilaah tala saarato, Tawaakulse waa qof yiri waxaan rabaa inaan ilmo dhalo Ilaahna waan tala saaranayaa laakiin Ilaah waa qaadir oo ma guursanayo ilmana waan doonayaa, farqigoodu waa sidaas, waxaa inoo sii ifinaya xadiithkii Nabiga ninkii u yimid ee ku yiri hasheyda Rasuulkii Allow ma xiraa, mise waan iska daayaa oo Ilaah ayaan talo saartaa? wuxuu ku yiri Nabiga nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee xir oo Ilaah talo saaro" la imow sababtii ka dibna Ilaah talo saaro.

2.Sida aayado tiro badan oo Quraanka ka mid ah ay sheegayaan, isla markaasina axaadiith aan la koobi karin ay tilmaamayaan isla markaana ah waxay rumaysan yihiin Ahlu-Sunna Wa Al-Jamaaca Ilaah wuxuu ka sareeyaa khalqigiisa oo idil, wuxuuna ku cad yahay xadiith ku sugan Muslim oo uu Nabigu weydiiyey haweeney meeyey Ilaah? waxay tilmaantay xagga cirka wuxuu yiri Nabigu waa Mu'minad, qofkii inkiraa inuusan Mu'min ahayn ayaa laga qaadanayaa xadiithkaas, xadiithkuna waa saxiix ku sugan saxiix Muslimka iyo kutubta kale ee Islmaamka, in lagu sheego Ilaah inuu meel walba joogo waa rumeyn khalad ah waxaana ka dhalanaya gaalnimo, iyo inaad tiraahdo meel walba oo xun wuu joogaa, waana caqiido baadil ah oo Culumada Islaamku la dirireen dadka rumaysan.

3.Haddii qofku gef iyo dambi ka dhaco waa oran karaa qadar Alle ayey ku dhaceen laakiin ha ogaado inuu isagu yahay qofka khaladku ka dhacay ee cid ku khasabtay aysan jirin, waxaana tusaale kuugu filan arrintii aabaheen Adam iyo geedkii lagu yiri ha cunin ee uu cunay, waana masalooyinka qadarka ah waxaa haboon inuusan qofku sii dhex dabaalanin, waxaa wanaagsan in dusha sare looga haro, waxaana sababteeda ku gaaloobay qolooyin tiro badan waxay Culumadu kaga warameen kutubta caqiidada, waxaan Ilaah ka baryeynaa inuu xaqqa na waafajiyo dhamaanteen.
Back to top


waa  booga  magacyada ilahay(cwj) - xasan cali xasan Assaalamu Caleykum salaan ka dib waxaan rabaa inaan idin su'aalo, su'aal ku saabsan caruurta ku dhimata Saqiirnimo xukunkiisa waa maxay? mala xisaabinayaa maalinta Qiyaamaha? jazaakalaah.
Allaah ayaa mahad leh, nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxammed, intaa ka dib.
Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxamed, intaa ka dib.
Sida uu xadiith saxiix ah oo ku cadeeyey Nabiga naxariis iyo nabad gelyo koriisa ha ahaatee wuxuu sheegay in Caruurta Muslimiinta ay Jannada galiyaan oo ay u ergo (shafeeco) qaadayaan waalidkooda, arrinta ah mala xisaabinayaa, xisaabtu waa dhowr nooc sida tan la xisaabinayo xawaanka ee markay dhamaystaana loo oran doono noqda caro, tan caruurta iyo inta aan dambiga lahayn la xisaabin doono sida Ilaah uu ku sheegay Quraanka kariimka suurada Ida-shamsu Kuwirad aayada 8aad xisaabtaas oo aysan ka dhalanaynin wax ku saabsan Janno iyo naar toona, waxaa kaloo jira xisaabta inta qaangaarka ah oo ay ka dhalanayso xisaabtoodu janno galin iyo naar galinba. Allaha noo fududeeyo dhamaanteen xisaabta Qiyaamaha.
Ilaah hana haleeshiiyo xaqa dhamaanteen
Back to top








waa  booga  magacyada ilahay(cwj) - xasan cali xasan









xasan2
xasan2
Latest page update: made by xasan2 , Feb 28 2007, 6:41 AM EST (about this update About This Update xasan2 Edited by xasan2

1543 words added
13 images added

view changes

- complete history)
Keyword tags: None
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.